1
Somali_00002

Tani waa Selma. Selma waxey jeceshahey iney kubbad ciyaarto iyo iney kaman garaacdo.

Somali_00003

Selma iyo reerkeedu waxey jecel yihiin iney Norway ku noolaadaan, laakiin waxey jawaab diidmo ah ka heleen UDI.
Dacwad ayey ka qaateen oo waxa kiiskooda hadda gacanta ku haysa meel loo yaqaano

Somali_00004

Waxa kiiskooda mar kale eegaysa UNE, markaa UNE ayaa go’aamineysa in Selma iyo reerkeedu ay Norway ku wada noolaanayaan.

Somali_00005

Marka ay UNE go’aamineyso kiis ku saabsan carruur, tusaale ahaan in Selma iyo reerkeedu ay Norway ku noolaan karaan, waxey ka fekeraan maxaa carruurta u fiican. Laakiin sidee ayey UNE ku garan kartaa waxa carruurta u fiican? Si lagu ogaado ayaa ah in carruurta hadalkooda la dhegeysto.

Somali_00006

Dhammaan carruurtu waxey xaq u leeyihiin in la dhegaysto iyo in la tixgeliyo kiisaska iyaga khuseeya.

Somali_00007

Waxey tani ku taallaa heshiisska Qaramada Midoobey ee carruurta.

Somali_00008

Tan macnaheedu waxa weeye in Selma ay xaq u leedahey iney sheegto sida ay u aragto kiisaska iyada iyo reerkeedaba khuseeya.

Somali_00009

Marka ay UNE ka shaqayneyso kiiska ku saabsan Selma iyo reerkeeda, waa iney hubaan iney aqoon fiican u leeyihiin Selma iyo waxa iyada u fiican.

Somali_00010

Waxa jira qaabab badan oo Selma ay ujeeddadeeda ugu sheegi karto UNE.
Waxey la hadli kartaa qof weyn oo ay ku kalsoon tahey, sida waalidka, kalkaaliso caafimaad, macallin, tababare kubadeed, looyar/qareen, ama qof kale oo weyn.

Somali_00011

Waxey Selma qofka weyn ee ay la hadleyso ka codsan kartaa inuu qoro waxa ay sheegeyso oo u sii sheego dadka UNE ka shaqeeya.

Somali_00012

Waxey kale oo Selma qori kartaa warqad, ama iimayl, ama wax ayey sawiri kartaa. Haddii ay rabto qof weyn ayey caawimo weydiisan kartaa.

Somali_00013

Mararka qaarkood waxey UNE codsataa in carruurtu u timaado oo ay la hadlaan. Tan xor ayaa loo yahey, waxaana carruurtu soo kaxeysan kartaa qof weyn oo ay ku kalsoon yihiin.

Somali_00014

UNE waxa saaran waajibka sir qarinta. Taa waxa looga jeedaa in dadka kiiska Selma ka shaqeeya oo keli ah ay ogaan karaan waxey sheegtey.

Somali_00015

Marka ay Selma sheegto fikirkeeda, waxey UNE bilaabaaysaa ka shaqeynta kiiska reerka. In Selma la dhegeysto macnaheedu ma aha iney go’aamin karto sida wax u dhacayaan. UNE ayaa kiista go’aamineysa. Xataa haddii UNE go’aamiso inaan reerku Norway joogeyn, ma aha Selma khaladkeeda.

Somali_00016

Si loo soo koobo:

  • Carruurtu waxey xaq u leeyihiin in la dhegaysto. Waxa taas loogaa jeedaa in carruurtu xaq u leeyihiin iney sheegaan sida ay u maleynayaan ama u arkaan kiisaska iyaga khuseeya.
  • Ma aha in carruurtu sidaa sameyso haddii aaney rabin.
Somali_00018

Shaqada UNE waa iney dhegeysato waxa carruurtu sheegayso. UNE waxey mar kasta ka fekeraysaa maxaa carruurta u fiican, ka hor inta aaney go’aan ka gaadhin in reerku Noway ku noolaanayo.

x Somai SLUTTPLAKAT