Haddii go’aanka aad ka heshay UNE ay ku qoran tahey inaad Norway ka baxdo, waa muhiim inaad sidaa samayso.

Ka akhri halkan sida ay wax u dhici karaan kiisaska kala duwan

Haddii la soo diiday codsigaaga magangelyo, waxa kale oo laguu sheegay muddada kama dambeysta ah ee aad Norway kaga baxayso. Taas macnaheedu waxa weeye inaad Norway kaga baxado muddada laguu qabatey. Muddadu waxey ku qoran tahey bogga hore ee warqadda go’aanka.

Waxaad kaalmo dhaqaale iyo caawimo sidii aad dalka ugu laaban laheyd ka heli kartaa Hay’adda Caalamiga ee Haajiriinta (IOM).
Waxaad kaalmo sida aad dalkaaga ugu laaban laheyd ka codsan kartaa Hay’adda Caalamiga ee Haajiriinta (bog kale oo internetka ah). Warqadda go’aanka ee UNE waxa ku qoran war dheeraad ah oo ku saabsan waxyaalaha lagaa caawin karo. Waxa aad sidoo kale tan ka akhriyi kartaa boggaga internetka ee UDI (bog kale oo internetka ah). Waxaad helaysaa caawimo dheeraad ah haddii aad codsato ka hor inta aaney muddada bixistu kaa dhicin.

Maxaa dhacaya haddii aad Norway ka bixi waydo?

  • Booliisku wuu ku qaban karaa oo kaa saari karaa Norway
  • Haddii aad reer leedahey, wuxuu booliisku isku deyayaa inuu dalka idinka wada saaro.
  • Haddii boolisku ku celiyo, kuma soo noqon kartid Norway ka hor inta aanaad bixin kharashka ku baxey celintaada.
  • Waxa lagaa masaafurin karaa Norway iyo dalalka kale ee Schengen waayo waxaad Norway ku joogtaa sharcidarro waxa kale oo lagaa mamnuucayaa inaad soo gasho dhammaan aagga Schengen muddo 1-5 sanno.
  • Norway kama shaqeyn kartid. Haddii aad shaqeyso waa lagu mastaafurin karaa.
  • Haddii aad kaam deggan tahey, waxa lagaa yareynayaa lacagta aad qaadato.

 

Haddii lagu soo diidey waayo dal kale oo Yurub ah ayaa ka baaraandegaya codsigaaga magangelyada, kani waa go’aan Dublin ah.

Waxaad codsan kartaa inaad Norway joogto inta aan ka baaraandegayno dacwadaada. Tan waxa loogu yeedhaa daahinta hirgelinta (utsatt iverksetting). Waa laguu soo sheegi doonaa bal in laguu oggol yahey inaad Norway joogto iyo in kale inta aan codsigaaga ka baaraandegayno.

Maxaa dhacaya haddii laguu diido inaad Norway sii joogto inta UNE kiiskaaga ka baaraandegayso?

  • Booliisku ayaa ku qaban doona oo ku gayn doona dalka ka baaraandegaya kiiskaaga magangelyada.
  • Haddii aad reer leedahey, wuxuu booliisku isku deyayaa inuu dalka idinka wada saaro.
  • Waxa lagaa masaafurin karaa Norway iyo dalalka kale ee Schengen waayo waxaad Norway ku joogtaa sharcidarro waxa kale oo lagaa mamnuucayaa inaad soo gasho dhammaan aagga Schengen muddo 1-5 sanno.
  • Norway kama shaqeyn kartid. Haddii aad shaqeyso waa lagu mastaafurin karaa.

Haddii laguu oggolaado inaad Norway joogto inta aannu kiiskaaga ka baaraandegayno, halkan waad joogi kartaa ilaa inta aad UNE ka helayso go’aan.

Haddii lagu soo diidey waayo waxaad magangelyo ama oggolaansho joogitaan ku leedahey dal kale, waa waajib ku saaran inaad ka baxdo Norway. Waxaad UDI ama UNE ka helaysaa muddada aad dalka kaga baxeyso. Muddadu waxey ku qoran tahey warqadda la socoto warqadda go’aanka ee ay UDI kuu soo dirtey, ama bogga hore ee go’aanka UNE. Mararka qaarkood waa inaad isla markiiba Norway ka baxdo.

Maxaa dhacaya haddii aad Norway ka bixi weydo?

Booliisku wuu ku qaban karaa oo kaa saari karaa Norway.

  • Haddii aad reer leedahey, wuxuu booliisku isku deyayaa inuu dalka idinka wada saaro.
  • Haddii boolisku ku celiyo, kuma soo noqon artid Norway ka hor inta aanaad bixin kharashka ku baxey celintaada.
  • Waxa lagaa masaafurin karaa Norway iyo dalalka kale ee Schengen waayo waxaad Norway ku joogtaa sharcidarro waxa kale oo lagaa mamnuucayaa inaad soo gasho dhammaan aagga Schengen muddo 1-5 sanno.
  • Norway kama shaqeyn kartid. Haddii aad shaqeyso waa lagu mastaafurin karaa.

Haddii lagu masaafuriyo waa waajib inaad Norway ka baxdo. Waa inaad sidoo kale ka baxdo aagga dalalka Schengen haddii aanaad oggolaansho ku laheyn dal kale oo Schengen ah.

Haddii aanaad sharci ku joogin intii UNE ka baaraandegaysey kiiskaaga, waxaad halkan ku joogtey sharcidarro oo waa inaad isla hadda Norway ka baxdo.

Haddii aad sharci ku joogtey intii aannu ka baaraandegayney kiiskaaga, waxaad naga helaysaa muddada aad ku baxeyso. Muddadu waxey ku qoran tahey bogga hore ee warqada go’aanka.

Mamnuucida soo galku wuxuu ka bilaabmayaa maalinta aad ka baxdo Norway iyo aagga Schengen. Sidaa darteed waa muhiim inaad masuuliyiinta Norway ogeysiiso marka aad baxeyso. Tusaale ahaan waxaad u sheegi kartaa booliiska.

Maxaa dhacaya haddii aad Norway ka bixi weydo?

  • Booliisku wuu ku qaban karaa oo kaa saari karaa Norway
  • Haddii aad leedahey reer iyana iney baxaan ah, wuxuu booliisku isku deyi doonaa inuu mar idin wada saaro.
  • Haddii boolisku ku celiyo, kuma soo noqon kartid Norway ka hor inta aanaad bixin kharashka ku baxey celintaada.
  • Mar kale ayaa Norway iyo dalalka kale ee Schengen lagaa masaafurin karaa haddii aad si sharcidarro ah u sii joogto ama uga shaqeyso.

Haddii la soo diido codsigaaga ku saabsan oggonlaasho joogitaan, waa inaad Norway ka baxdo. Markaa ma haysatid wax sharci ah oo aad halkan ku joogto. Haddii aad halkan sii joogto, waxaad ku joogtaa sharcidarro.

Haddii aad sharci ku joogtey intii aannu ka baaraandegayney kiiskaaga, waxaad naga helaysaa muddada aad ku baxeyso. Taas macnaheedu waxa weeye inuu ku saaran yahey waajib ah inaad Norway kaga baxdo muddada laguu qabtey. Muddadu waxey ku qorantahey bogga hore ee warqada go’aanka.

Haddii aad Norway joogtey iyada oo aanaad wax sharci ah heysan, waa inaad isla hadda ka baxdo. Markaa hore ayaa laguu siiyey muddo aad dalka kaga baxeyso, oo weli waxa ku saaran waajib inaad Norway ka baxdo.

Maxaa dhacaya haddii aad bixi weydo?

  • Booliisku wuu ku qaban karaa oo kaa saari karaa Norway
  • Haddii aad reer leedahey, wuxuu booliisku isku deyayaa inuu dalka idinka wada saaro.
  • Haddii boolisku ku celiyo, kuma soo noqon kartid Norway ka hor inta aanaad bixin kharashka ku baxey celintaada.
  • Waa lagaa masaafurin karaa Norway iyo dalalka kale ee Schengen haddii aad Norway ku joogto ama kaga shaqeyso sharcidarro. Haddii lagu masaafuriyo, waxa lagaa mamnuucayaa soo gelid dal. Taas macnaheedu waxa weeye in aanaad Norway ama aagga Schengen ku soo laaban kari muddo ama weligeed.

Haddii UNE kaala noqotey isla markaana lagu masaafuriyey
Haddii UNE ay kaala noqotey oggolaanshooyinkaaga degenaansho  isla markaana lagu masaafuriyey, waxa sidoo kale lagu siiyey muddo aad kaga baxdo. Waxey tani khuseysaa oo kale haddii UNE ay kaala noqotey dhalashadaada noorwiijiga isla markaana lagu masaafuriyey. Waxa ku saaran waajib ah inaad dalka kaga baxdo muddada UNE kuu qabatey. Waa inaad sidoo kale ka baxdo aagga Schengen haddii aanaad dal kale oo Schengen ah ku laheyn oggolaansho joogitaan. Muddada aad ku baaxeysaa waxey ku qoran tahey bogga hore ee go’aanka UNE.

Haddii UNE ay kaala noqotey oo aaney Norway ku siinin oggolaansho joogitaan oo cusub
Haddii UNE ay kaala noqotey oggolaanshooyinkaaga degenaansho oo aaney Norway ku siinin oggolaansho joogitaan oo cusub, sida caadiga ah waxa ku saaran waajib ah inaad ka baxdo Norway iyo aagga Schengen. Waxey sidani khuseysaa oo kale haddii UNE ay kaala noqotey dhalashadaada noorwiijiga ah oo aaney Norway ku siinin oggolaansho joogitaan oo cusub.

Haddii aad hore Norway ugu laheyd oggolaansho joogitaan, oo aad sidaa darteed ku heshay lambarka dhalashada ee noorwiijiga, waxa diiwaanka dadka lagaaga diiwaan gelinayaa inaad Norway ka guurtey. Waxaad dhib kala kulmi kartaa adeegayada dadweynaha sida tusaale ahaan dhakhtar, dugsi iyo NAV.

Haddii diiwaanka dadka ay kaaga diiwaangashantey inaad guurtey kadib 1 oktoobar ee 2017, laakiin aad leedahey masuuliyiinta ajinebigu khalad ayey sameeyeen, waa inaad buuxbuuxiso foomka ku jira boggaga internetka ee UDI.