Marka aad go'aan ka hesho UNE, kiisku wuu dhammaadey. Waa inaad raacdo waxa ku qoran go'aanka, xataa haddii aanaad ku raacsanayn. In la bilaabo joogitaan sharcidarro ah Norway, waxey horseedi kartaa cawaaqib halis ah.

Joogitaanka sharci darrada ah, tusaale ahaan, wuxuu keeni kartaa in lagu mastaafuriyo iyada oo lagaa mamnuunacyo soo gelid, mana aha Norway oo keliya, laakiin inta badan dalalka Yurub. Waxa aad sidoo kale waayi kartaa xuquuqaha aad yeelan laheyd, tusaale ahaan taageero dhaqaale oo aad ku dhoofto oo aad dib ugu degto dalkaaga hooyo. Waxa aad halis u tahay ama laga yaabo inaad waydo waxay ku xidhan tahay oggolaanshaha aad codsatey iyo xaaladaha ku gadaaman kiiskaaga.

Waa maxey codsi dib u eegid?

Xaaladaha qaarkood, waxaad waydiisan kartaa UNE iney dib u eegto kiiskaaga. Codsiga dib u eegista ee noocaas ah waa inuu noqdo qoraal. Waxaad isticmaali kartaa foomkan, ama waxaad noo soo diri kartaa warqad sharaxeysa waxa aad u malaynayso inuu ku khaldan yahey go'aanku. Waa inaad sheegto cinwaankaaga Norway. Caadi ahaan, waa inaad keentaa macluumaadyo cusub oo muhiim ah ama waraaqo cusub oo keeni kara natiijo ka duwan.

Dhif ayaanu bedelnaa go'aamayada

Waxaa jira xeerar kala duwan oo ku saabsan noocyada kala duwan ee kiisska, si kasta ha noqotee ma bixin karno oggolaansho nooc ka duwan ka cabashadu ku saabsan tahey. Haddii tusaale ahaan kiiskaagu ku saabsan yahey magangelyo, UNE kuma siin karto oggolaanshaha keenista qoyska. Markaa wuxuu noqon doonaa kiis cusub, oo ay UDI marka hore soo qiimeyso. Marka aan helno codsiyada dib u eegista, waxaanu sida caadiga ah qiimeynaa macluumaadka cusub ee kiiska. Inta badan jawaab kooban ayaanu soo celinaa.

Macluumaadyo cusub oo ku saabsan kiisaska qaxootinimada

Haddi laguu diido codsiga magangelyada, sida caadiga ah waa in ay jiraan macluumaad cusub oo kiiska ku saabsan si aan u bedelno diidmada. Haddii aad hayso xogo cusub oo ku saabsan naftaada ama dalka aad ka timid oo cadaynaya sababta aad u leedahey in aaney ammaan aheyn inaad noqoto, sida caadiga ah waxaanu qiimeyn doonaa macluumaadada. Xaaladaha qaarkood, waxaad sidoo kale codsan kartaa dib u eegis haddii xaaladdaadu si weyn isu beddeshay. Waxey noqon kartaa, tusaale ahaan, inaad carruur dhashey ama aad qaadey cudur halis ah, oo ay taasina muhiim u tahey kiiska. Haddii xeerar ama dirigteerooyin cusub ay soo baxaan waxa dhici kara iney UNE dib u eegto kiiska haddii aad codsato.

Maxaa dhacaya haddii aan ahey mastaafuris oo ay jiraan xaalado cusub oo kiiska ku saabsan?

Waxa aad markaas codsan kartaa in lagaa qaado mamnuucida soo gelitaanka. Waa inaad tan ka samaysaa xarumaha arrimaha debedda, ee ma aha inaad ka sameyso Norway. UNE waxey qaadi kartaa xayiraadda soo gelitaanka duruufo gaarka ah. Waxa aad sidoo kale codsan kartaa inaad booqasho gaaban Norway ku soo gasho, laakiin caadi ahaan waxa aad heli kartaa oo keliya laba sanno ka dib.

Kiisaska khuseeya oggolaansho joogitaan iyo dhalashada

Waa inaad adigu UDI ka codsato ogolaansho mar kale haddii ay UNE ku soo diiday.

Ma joogi karaa Norway inta UNE ka baaraandegayso dib u eegista?

Maya, codsiga dib u eegista qofna ma siinayo xuquuq uu ku joogo Norway. Xaalado dhawr ah oo yar waxaanu kuu ogolaan doonaa inaad halkan si ku meelgaadh ah u joogto. Waxa tan loo yaqaanaa dib u dhigis hirgelin. Waxaad naga helaysaa farriin qoraal ah in aanu kuu ogolaano dib u dhigis hirgelin iyo in kale, sida caadiga ah saddex todobaad gudahooda marka aanu helno codsiga. Haddii aanaan oggolaan dib u dhigis hirgelin, waa inaad si ikhtiyaari ah uga baxdaa Norway iyo aagga Schengen. Haddii aad dhoofi waydo, booliiska ayaa ku qaban kara oo kaa saaraya dalka. Sidoo kale, waa lagu mastaafurin karaa oo lagaa mamnuucayaa inaad mar dabme soo gasho Norway iyo sida caadiga ah dhammaan aagga Schengen.

Goorma ayaan jawaab helayaa?

Marka hore waxaad heli doontaa xaqiijin degdeg ah in UNE ay heshay codsigaagii dib u eegista. Waqtiga ay qiimeyntu qaadaneysaa way kala duwantahey. Waxaad halkan ka akhriyi kartaa wax badan oo ku saabsan waqtiyada sugitaanka.

Ma u tegi karaa cid kale oo aan UNE ahayn?

Wakiilka shacabka waa hay'ad aad u dacwoon karto (Norwegian/English only) haddii aad u malayneyso iney UNE khalad samaysey. Wakiilka shacabka ma bedeli karo go'aankaaga, laakiin wuxuu ra'yi ka dhiiban karaa kiiska.

Waxa kale oo suurtogal ah in la dacweyso UNE. Waa inaadan taas sameyn iyada oo aan qareen ama lataliye sharci sidaa ku talin. Dacweynta UNE macnaheedu waxa weeye in maxkamad la tago si go'aanka UNE loogu caddeeyo inuu yahey mid aan ansax ahayn maxkamada. Haddii lagaaga adkaato kiis caynkaas ah, waxaa laga yaabaa in lagaa rabo inaad bixiso kharashka UNE ee kiiska. Markaa adiga iyo qareenkaaga waa in kiiskaas aad ku fikirtaan inaad fursad fiican u haysataan inaad ku guulaysaneysaan.

Ma aha wax iska caadi ah inaad Norway ku sugto ilaa inta maxkamadu dhammaaneyso. Mararka qaarkood way dhaceysaa, mararna ma dhacayso. UNE ama maxkamada ayaa go'aaminaya inaad halkan ku sugi karto ilaa inta kiiska go'aan laga gaadhayo. Haddii kale, waxa markaas kugu waajib ah inaad ku noqoto dalkaaga oo aad ku sugto dalkaagii hooyo.